Kooxda Al-shabaab oo Hoobiyayaal Ku Weeraray Baraawe iyo Kheyre oo Ku Wajahan

0
231

 

Dagaalyahano Ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab ayaa goordhaweyd tiro Hoobiyayaal ah ku garaacay degmada Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha Degmada Baraawe Xuseen Jeex oo goordhaweyd la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda muqdisho ayaa sheegay in Al-shabaab Hoobiyayaal kusoo tureen degmada islamarkaana aysan geysanin wax khasaaro ah.

Magaaladda Baraawe waxaa  gaaray Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan SHiikh aadan, iyo wafdi balaaran uu hogaaminayo, kuwaasi soo dhaweyn heer sare la kulmay.

Sidoo kale Magaaladda Baraawe waxaa ku wajahan Ra’iisal Wasaaraha Soomaliya, Denjiraha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaliya, wakiilka Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya iyo ms’uuliyiin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here