Wasaaradda Amniga XFS Oo Faafaahin Ka Bixisay Xaaladda Amniga Dalka

0
4

Wasiirka Wasaaraddda Amniga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin dhinacyo kala duwan taabanaysa ka bixiyay xaaladda Amniga Dalka.

Wasiirka ayaa tilmaamay in ay meel wanaagsan marayaan Howlgala laamaha Amniga Soomaaliya ku xaqiijinayaan Amaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday in ay wax badan ka hirgaleen Qodobadii kasoo baxay shirkii london ee looga hadlay Arrimaha Amniga Soomaaliya kaasoo ay goobjoog ka ahaayeen Madax kala duwan.

Hadalkaan Wasiirka Amniga XFS Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa imaanaya xili Magaalada Muqdisho uu ka soconayo Shirka looga hadlayo Amniga Dalka oo uu furay Madaxweyne Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayna ka qeyb galayaan Madaxda Dowlad Goboleedyada qeybta ka ah Dowladda dhexe.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa qaar kamida gobolada dalka weeraro ka geysanayay Al-shabaab haba ugu badnaadaan gobolada koofurta soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay Al-shabaab dhaq dhaqaaq ciidan ka wadeen bariga gobolka mudug oo deegaano dhowr ah oo halkaasi kuyaala ay la wareegeen

Hadalka wasiirka ayaana kusoo beegmaya xilli Al-shabaab iyo daacish ay kusii xoogeysanayaan gudaha dalka isla markaasina aysan jirin awood muuqata oo ciidanka xoogga dalka ay u leeyihiin in ay ka hortagaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here