Wajiga Labaad Ee Shirkii Landon Oo Maanta Lagu Wado In War-Murtiyeed Laga Soo Saaro

0
6

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu soo geba gebeynayaa wejigii 2-aad ee shirkii London ee arrimaha Soomaliya,kaasi oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka Furay Magaladda Muqdisho maalintii shalay ahayd.

Shirka waxaa ka qeybgalaya madaxda dowladda Soomaaliya,kuwa dowlada Goboleedyada iyo saaxiibada beesha Caalamka,waxaana lagu wadaa in laga soo saaro qodobo muhiim u ah Soomaaliya.

Maalintii Shalay ayaa waxyaabaha shirka furitaankiisa looga hadlay waxaa kamid ahaa,horumarinta Qorshaha kala guurka oo ku saleysan Waqti Cad si Mas’uuliyadda Amniga looga Wareejiyo Ciidamadda AMISOM looguna wareejiyo Ciidamadda Qalabka Sida ee Soomaaliya,in la siiwado Taageeradda Beesha Caalamka si loo dhiso Awooda ciidamadda Qaranka Soomaaliyeed si ay u yeeshaan awood ku filan oo ay ku hanan karaan ammaanka Dalka.

Waxaa sidoo kale si weyn loo falanqeeyey ahmiyadda ay leedahay xoreeynta Deegaanada ay ku sugan yihiin SHabaab iyo isku dhafka ciidamadda Qaranka,kuwaasi oo ah waxyaabaha ay dowladda Soomaaliy mudnaanta siineysi.

Inta uu socdo Qeybta labaad ee shirka waxyaabaha diiradda lagu saaraya waxaa kamid ah arrimaha dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka.

Ujeedka guud ee shirkan ka socda magaalada Muqdisho ayaa ah in dowladda Soomaaliya ay soo bandhigto waxyaabihii uga qabsoomey shirkaan oo wejigiisa koowaad ka dhacay magaalada London ee xarunta Dalka Brtian bishii May ee sanadkan 2017.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here