Nabadoon Lagu Dilay Degmadda Afgooye iyo Dagaal Dhex-maray Mas’uuliyiin

0
5

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in nabadoon caan ka ahaa Degmadaas in la dilay.

Nabadoon Ibraahim Tabliiq ayaa la sheegay inay toogasho ku dileen dabley bistoolado ku hubeysan oo goobta ka baxsaday markii ay dilka geysatay.

Sidoo kale degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose waxaa maanta ka dhacay  iska hor imaad Dhex-maray Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Afgooye, kaasoo dhaliyay qasaare dhimash iyo dhaawac leh.

Sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka iska hor imaadkaan ayaa dhex-maray ciidamo kala taabacsan Qasnajiga Degmada Afgooye iyo Xisaabiyaha Degmada Afgooye ee maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ay ku murmeem arrimo lacago canshuur ah.

Wararka ayaa sheegaya in qof ka mida shaqaalaha maamulka degmada uu ku dhintay iska hor imaadka dhex maray ilaalada labada mas’uul.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here