Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Soo Xukuno Ku Riday Afar-Edeysane

0
3

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa saakay oo Talaado ah waxay xukun ku riddey Afar nin oo eedeysanayaal ah, waxaana qaarkood ay ku eedeysanaayeen iney kamid yihiin Al-shabaab.

Guddoomiyaha maxkamadda Dararajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhowaaqayey xukunka raggan ayaa sheegay in dhammaan lagu helay dambiyada lagu soo eedeeyay.

Magacyada iyo Sida Loo Kala Xukumay:

Eedeysane: C/qaadir Abukar Shaacir waxaa lagu xukumay dil toogasho ah

Eedeysane: Maxamed Cumar Akiile waxaa lagu xukumay Xabsi Daa’in

Eedeysane: Daa’uud Maxamed Cali waxaa lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah

Eedeysane: C/laahi Ibraahim Geesey waxaa lagu xukumay Labo Sano oo Xabsi ciidan ah

Ugu dambeyn maxkamadda ayaa sheegtay in cid walbo oo aan ku qanacsaneyn xukunka lagu ridey ay u furan tahay iney racfaan ka qaadato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here