Heshiiska Galmudug Iyo Ahlu Sunna Oo Maanta Muqdisho Lagu Dhameynayo

0
1

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Galabta Madaxtooyooyada Soomaaliya ay ka dhici doonto Munaasabad lagu dhameystirayo Heshiiskii Maalmo ka hor Magaalada Jabuuti ay ku gaareen Maamulada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca.

Madaxweynaha Galmudug Kuxigeenkiisa Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo Xubno isugu jira Wasiirro iyo Xildhibaanno Galmudug ah ayaa la sheegay in ay ka qeyb galayaan Xafladda lagu dhameystirayo Heshiiskii hor-dhaca ahaa ee Dalka Jabuuti ay ku gaareen Ahlusunna iyo Galmudug.

Dhanka Ahlusunna ayaa la sheegay in Munaasabaddaas ay uga qeyb geli doonaan Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna iyo Hogaamiyaha Guud ee Maamulkaasi Macalin Maxamuud Sheekh Xasan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Xafladda ka dhici doonta Galabta Madaxtooyada Soomaaliya ay Goobjoog ka noqon doonaan Madaxweynaha Soomaaliya Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Xafladda lagu qabanayo Madaxtooyada Soomaaliya ay tahay mid lagu dhameystirayo Heshiiskii hor-dhaca ahaa ee Galmudug iyo Ahlusunna ay ku soo kala Saxiixdeen Wadanka Jabuuti.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo hadal kooban ka jeediyay Heshiiskii ka dhacay Dalka Jabuuti ayaa sheegay in Heshiiska inta dhiman ay ku dhameystiran doonaan Caasimadda Maamulka Galmudug oo ah Dhuusamareeb,

balse hadda ay Maamusho Ahlusunna.
Galmudug iyo Ahlusunna oo Muddo badan uu Khilaaf u dhexeeyay ayaa hadda waxaa Labada Maamul ay ku heshiiyeen in ay sameystaan Maamul ay ku Mideysan yihiin si Meesha looga saaro kala Qeyb sanaanta jirta deegaanada gobolada dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here