Deg Deg:-Madaxweynihii Hore ee Dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo La Dilay

0
5

 

Wararka imaanaya dalka Yaman ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee dalkaasi Cali Cabdalla Saalax lagu dilay dagaal uu Xuutiyiinta kula galay magaalada Sanca.

Telefishin ay Xuutiyiinta maamulaan oo lagu magacaabo al-Masirah ayaa baahiyay muuqaalka nin wasiirka arrimaha gudaha lagu sheegay oo shaacinaya in “la afjaray dhibaatada maliishiyada khiyaanada qaran sameysay, lana dilay hoggaamiyahooda”.

Ma jiro war madaxbannaan ee arrinta xaqiijinaya, balse sawirro lagu baahiyay baraha bulshada waxay muujinayaan maydka Saalax.

Wixii ka horeeyay isbuucii tagay, taageerayaasha Cali Cabdalla Saalax waxay la safnaayeen ururka shiicada ah ee Xuutiyiinta, waxayna dagaal kula jireen dowladda Yaman ee Sucuudiga uu taageero.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here