Kumanaan ciidamo hor leh oo Somalia ku soo wajahan iyo Richard Karemire oo ka hadlay

0
173

Afhayeen u hadley ciidanka Ugandha ayaa sheegay in ay diyaariyeen askar gaareysa 5,000 kun oo askari kuwaasoo ka qayb qaadan doona hawlgalka cusub ee Al-Shabaab looga saarayo dhulka ay ku sugan yihiin.

Richard Karemire ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Xinhua in Ugandha diaarisay 5000 oo askeri laakiin ay u baahan yihiin taageerada beesha caalamka sida dhaqaalaha ku baxaya daad gureynta, qalabka iyo mushaharka ciidankan.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa booqasho ku marey dhowaan dalalka Ugandha, Itoobiya iyo Jabuuti isagoo weydiistey taageero milteri, si loo cirirb tiro al-Shabaab oo uu xusay iney dhibaato adag ku hayaan shacabka.

Dalalka sida degdega ah uga jawaabay dalabka madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah Itoobiya oo maalmahan xuduudka Somalia ka soo talaabisay kumanaan askari oo ka qeyb qaadanaya howlgalka Al-shabaab looga saarayo dalka.

Hadalka ka soo yeeray afhayeenka ciidanka ugandha ayaa ku soo beegmay iyadoo la qorsheynayo in hawgalka AMISOM ee Soomaaliya ee soo socdey 10-kii sano ee u dambeysey la soo afjaro sanadka 2018, iyadoo qeyb qeyb loo qaadanayo ciidanka AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here