Kooxda Al-shabaab Oo Sheegtay Iney Gubeen Gadiid ay la Socdeen Ciidamo Mareykan Ah

0
453

Wararka ka imaanaya wadada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Afgooye ayaa sheegaya in weerar dhabagal ah loo dhigay ciidamo Mareykan ah iyo Askar katirsan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xoogag katirsan Xarakatu Shabaab ayaa wadada ugalay ciidamada huwanta ah oo kasoo amba baxay deegaanka Basra kuna sii jeeday degmada Balcad, halkaasina waxaa ka dhacay dagaal qaraar oo la isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan.

Xiriiro ayBooqasho news ee magaalada Muqdisho la sameysay dadka deegaanka ayaa u sheegay inuu weerarkan ahaa mid culus hubka nuucyadiisa kala duwan la isku adeegsaday ayna maqlayeen Jug culus oo ay u maleynayaan iney tahay Qaraxyo dhulka lagu aasay.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay weerrar ku qaadeen Ciidamo Soomaali iyo kuwo Mareykan ah oo marayay deegaanka Basra kuna sii jeeday degmada Balcad, halkaasina ay ku gubeen gaadiid dagaal uuna jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada weerarka Daba galka ah la kulmay.

Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya Ciidamada AMISOM ayaa maal mahan ka waday inta u dhaxeysa Gobalada Shabeelada hoose iyo Gobalka shabeelada dhaxe Howlgal ka dhan Xarakada Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here