C/Qaadir Warsame oo Goordhaw Muqdisho laga soo dejiyay isaga oo gacmaha ka xiran (Daawo Sawirro)

0
184

War kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Allbanaadir.com ayaa sheegaya in goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde laga soo dejiyay isaga oo gacmaha ka xiran askari katirsanaa Ciidamada Puntland oo dhawaan dhibaato xanuun badan Boosaaso ku gaarsiiyay gabar 16-sano jir ah.

Diyaarad Askarigan kasoo qaaday magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ayaa goordhaw kasoo degtay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana askarigan la wareegay Ciidanka booliiska ee ku sugan Garoonka.

Sida aan Wararka ku helnay Askarigan oo lagu magacaabo C/Qaadir Warsame Axmed  ayaa loo sii duulin doonaa isla maanta magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland si halkaasi Maxkamad  loogu saaro.

Askarigan ayaa xabad kaga dhuftay xubinta taranka gabar Faa’izo la yiraahdo oo 16 jir ah ka dib markii ay iska caabisay kufsi uu damacsanaa inuu kula kaco, waxaana haatan gabadhan lagu daweynayaa magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa horey u sheegay in sharciga la horgeyn doono askariga ka tirsan ciidamada maamulkiisa ee dhibaatada arxan darada ah kula kacay gabadha 16-ka jirka ah, lana marin doono ciqaabta uu mudan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here