Booliska Maraykanka oo sii daayey Soomaali ku biiri rabay Daacish & sababta ka dambeysa oo la ogaaday

0
198

Abdullahi Yusuf oo ah Wiil Soomaali ah oo ka mid ahaa sagaal dhalinyaro oo FBI-du qabatay, iyagoo doonayey inay ku biiraan ururka Daacish ee dalka Syria, ayaa laga sii daayey goob si gaar ah loogu xabisay oo ka tirsan  Maraykanka.

Wiilkan oo haatan 21 jir ah waxaa la qabtay sanandkii 2014-ka, isaga oo doonayey inuu ka baxo garoonka Minnesota, balse markii dambe ayuu wada shaqayn la sameeyey hay’adaha amniga isagoo ku martaati furay saaxiibadiis, waxaana taasi darteed laga khafiifiyey xukunka.

Afar ka mid ah dhalinyaradaasi waxay ku jiraan xabsiyo min toban sano ah, halka saddex kale oo ay ku xukuman yihiin xabsiyo u dhexeeya 30-35 sano.

Waxa uu noqonayaa qofkii ugu horreeyey ee ka tirsan dhallinyarada doonaysay inay ku biirto Daacish ee la sii daayo, iyadoo Mid kale oo ka mid ah dhallinyarada iskaashiga la sameeyey booliiska xabsiga laga sii dayn doono bilaha hore ee sanadka soo socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here