Xukun Dil ah oo lagu riday Xayawaan Duur Joog ah oo Afar qof dilay !!

0
193

Maxkamad kutaala dalka Hindiya ayaa xukun dil ah ku riday Shabeel lagu helay dambi ah in uu dilay afar qof sidoo kale dhaawacay tiro kale oo dad ah.

Maxkamada qaadeysay kiiska dilka ah ee loo heestay Shabeelka ayaa amartay in aragti laga toogto shabeelkan ku eedeesan dilka afara qof oo hada baxsad ku jira.

Shabeelkan dilaaga ah ayaa maxkamad xukun dil ah ku riday 23-kii June, waxaana racfaan laga qaaa kiiskana manaa maxkmaad kale taageeray go;aankii maxkamada hore.

Shabeelka waxaa la qabtay bishii July, ka dib markii uu laba qof ku dilay afar kalena ku dhaawacay weerar uu ku qaaday deegaan ka tirsan magaalada Brahmapuri, ee gobolka Maharashtra

Waxaa shabeelkan markii dambe ku guuleestay laana ilaalina Shabeelada in ay xabsiga kasii daayaan , hasa ahaatee waxaana dhacday in mar kale shabeelka labo qof oo kale uu dilo.

Koox u dooda xuquuqda xayawanaadka duur joogta ayaan ku qanacsaneyn xukunka maxkamada, waxa ayna kooxda sheegtay in ay racfaan ka qaadanayaan xukunka shabeelka lagu riday.

Shabeelkan dilaaga ah oo baxsad ku jira ayaa baadi goob xoogan loogu jiraa sidii loo soo qaban lahaa, waxaana la sheegay in Shabeelka u baxsaday deegaano kale oo ka fog halka uu dadka ku dilay.

Dalka Hindiya ayaa la sheegaa in ay kunool yihiin Shabeelada ugu badan ee dunida, waxaana Shabeelada qaar yihiin kuwa dadka halis ku ah oo dhibaato mararka qaar geesta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here