Kenya oo ku faantay dhabar jab ay gaarsiisay Alshabaab & Saldhigyo cusub oo laga saaray

0
80

Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadooda ay ka adkaaden maleeshiyaadka Alshabaab ee ka howlgala deegaanada Lamu iyo Boni.

Dowlada ayaa sheegtay inay daciiftay awooda maleeshiyaadka Alshabaab isla markaana ay bilaaben inay ka baxaan dhammaan xarumihii ay ku lahaayen deegaanada Lamu iyo Boni.

Sarkaal u hadlay Hay’adaha amniga Kenya ayaa sheegay deegaanada Lamu iyo Boni ay deegaan ku ahaayen Horjoogayaasha Alshabaab, Carruurtooda iyo Xaasaskooda.

Sarkaalka ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay bilaaben inay ku dhiiradaan weerarada deegaanadaasi, balse goobaha qaar ay yihiin kuwo ay maleeshiyaadka ka baxeen.

Waxa uu intaa ku daray in dagaal ay deegaanadaasi kula galeen Alshabaab ay kaga furteen Hubka noocyadiisa kala duwan oo ugu badan yihiin qoriga AK47.

Waxa uu tilmaamay in maleeshiyaadka ay hadda ku sugan yihiin keliya goobo kooban oo la qorsheynaayo in maalmaha dhow laga saaro.

Maleeshiyaadka Al-shabaab waxa ay wali ka dagaalamayaan gudaha Kenya, waxaana xusid mudan in halkaa ay ka geystaan weeraro aad u xoogan oo dhiig badan uu ku daato.

Sidoo kale, Sarkaalka waxaa uu sheegay in Ciidamada KDF ay sameyaan howlgal joogto ah joogitaankooda degaankaasna uu aad u badanyahay isla markaana ay helaan xogta Al-shabaab.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa keymahaasi ku sugan muddo dhowr sano ah, waxaana iminka muuqaneysa inay ku yaraanayaan deegaanadaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here