Fadeexad:-Dowladda Soomaliya oo lagu leeyahay mushaaraad Dhowr Bilood ah!!!

0
73

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu leeyahay mushaaraad dhowr bilood oo aysan bixin.

Mushaaraadka  Dowladda aysan bixin ayaa kala ah kii shaqaalaha rayidka ee dowladda, Ciidamada iyo Xildhibaanada.

Shaqaalaha rayidka ayaa waxaa ka maqan mushaar labo bilood oo ay socoto bishii saddeaxaad.

Sidoo kale Ciidamada Milateriga ayaa waxaa ka maqan mushaarka saddex bilood, bil afaraad oo hada socoto, waxaana mushaar ugu dambeysay bishii Ramadaan ee tagtay.

Xildhibaanada  Baarlamaanka Federaalka ayaa iyana ku doodaya in aanay wax mushaar ah qaadan labadii bilood ee u dambeeyay, waxaa taas sii dheer in Xildhibaanadii baarlamaankii 9aad inay ka maqan tahay mushaarka illaa lix bilood oo sanadkii hore ahaa, taasoo ay qasab tahay in dowladda Madaxweyne Farmaajo inay bixiso.

Xukuumadda uu hogaamiyo Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegtay in ay ku guuleysatay inay bixiso mushaarka shaqaalaha dowladda ayaa hadana waxaa muuqata in labadii bilood ee la soo dhaafay ay ku adkaatay, taasoo loo sababeynayo xaalado kala duwan oo is biirsaday.

Qaar ka mid ah shaqaalaha rayidka ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay ay niyadooda ay wanaagsaneyd, markii bil walba si joogto ah loo bixiyay mushaaraadka, hase ahaatee labadii bil ee la soo dhaafay ay xaalada ku xumaatay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here