Deg Deg”;Howlgal balaaran oo ka Socda duleedka Muqdisho

0
168

 Ciidamada Xasilinta Caasimadda, ayaa xalay hawlgal ballaaran ka sameeyay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye , iyagoona dad badani ku soo qab qabtay.

Ciidamada oo Howlgalkooda uu qaatay saacado badan ayaa waxa ay si gaar ah uga wadeen agagaarka Tabeelaha Sheekh Ibraahim, halkaasi oo habeen ka hor lagu dilay Cabdi Nuunow Aadan oo ahaa nin ka tirsanaa Ergadii magaalada Baydhabo ku soo dooratay xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka.

Dadka deegaanka, ayaa waxay soo sheegayan in Ciidamada Xasilinta Caasimadda ay dadka ka qab qabteen wadooyinka, waxayna isugu keeneen meel barxad ah, oo ku dhow wadada laamiga.

Ciidamada oo isku shaandhayn ku sameeyay dadkaasi, ayaa intooda badan dib u sii daayay, waxayse goobtaasi kala dhaqaaqeen tiro dad ah, oo loo maleynayo in tuhun uu soo galay.

Ma cadda waxa ay yihiin iyo weliba cidda ay ka tirsan yihiin ragga hawlgalkaasi lagu soo qab qabtay, balse waxaa Ciidamada ay dhalinyarada ula dhaqaaqeen xarumaha dambi baarista ee ku yaalla Muqdisho.

Ciidamada Amaanka dowlada Soomaaliya ayaa inta badan sameeya Howlgalada ay ku baadi goobayaan Kooxa bistooladaha ku hubeysan ee inta badan beegsada Ciidamada iyo Saraakiisha Dowlada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here