Deg Deg “Dagaal culus oo ka dhacay gobolka Bakool & ciidamo taabacsan Mukhtaar Roobow oo ka qeyb gaatay

0
613

Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwo daacad u ah Mukhtaar Roobow oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa galabta ka dhacay degaano ka tirsan Gobolka Bakool.

Deegaan lagu Magacaabo Siinaley oo hoostaga degmada Xudur ayaa la soo sheegayaa inuu dagaalka xoogiisu ka dhacay, waxaana la sheegayaa in dagaalkaas uu ahaa mid aad culus oo hub kala duwan la isku adeegsaday.

Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa saxaafada u xaqiijiyey in dagaalka galabta uu ahaa kii ugu horeeyey ee ay ka qeyb qaataan ciidamada Roobow tan iyo markii wadaadkan uu isku soo dhiibay dowlada federaalka Somalia dhowaan.

Ciidamada weeraray degaanka Siinaley oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ayuu sheegay afhayeenku iney khasaaro u geysteen kooxihii ku sugnaa ayna soo furteen hub fara badan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalkan oo illaa caawa fiidnimadii soo gaaray uu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac soo gaaray in kastoo aan tirakoob sax ah laga heynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here