Ciyaartoy horey caan uga ahaa dunida oo qarka u saaran inuu dalkiisa ka noqdo Madaxweyne

0
181

Doorashada Madaxweynaha Liberia ayaa waxaa hogaanka u haya George Weah oo horay u soo noqday xidig dhanka ciyaaraha ah oo caalamka si weyn looga yaqaano sida ay sheegeyso Natiijada hordhaca ah ee doorashada.

George Weah ayaa hoggaaminayo 11 deegaan oo ka mid ah 15-ka deegaan ee la tiriyay, inkastoo codadka intooda badan aan wali la tirinin.

Madaxweyne ku-xigeenka talada haya Joseph Boakai oo ah ninka ay sida wayn isu hayaan ayaa hogaaminaya hal deegaan oo kali ah, kuwa kale intooda badanna kaalinta labaad ayey kaga jiraan.

Musharaxa la doorto wuxuu badali doonaa haweenaydii u horaysay ee madaxweynenimo looga doorto qaaradda Afrika, Ellen Johnson Sirleaf oo sidoo kalena heshay abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda ee Nobelka.

Qofka ku guulaysanaya doorashadan wuxuu u baahan yahay in uu helo in kabadan 50% guud ahaan codadka la dhiibtay taasoo haddii la waayo qof helay codad intaas la egna bisha soo socota ee Nofembar wareeg labaad la qaban doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here