Soomali Lagu Dilay Magaalada Harar ee Dalka Itoobiya.

0
121

13 ruux oo soomaali ah ayaa lagu dilay magaalada Hawadaay oo u dhow magaalada Harar ee dalka Itoobiya.

Dadka la dilay ayaa ahaa dad ka ganacsada qaadka, waxaana dilay dad kasoo jeeda qoomiyada Oromada.

Wasiirka warfaafinta dawladda  Itoobiya Dr. Negeri Lencho ayaa yidhi; “Xukuumadda federaalka ayaa baaritaan  ku samayn doonta kooxihii weerarka qaaday, sidoo kale waxaa loo dirayaa koox si ay u baadhaan xadgudubyada xuquuqda aadanaha”

Waxa uu Sheegay sheegay in Xukuumadda federaalka Itoobiya ay ka shaqeyneysay xallinta khilaafaadka xuduudaha ee u dhexeeya Ismaamulka Oromiya iyo Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.

Dadka la laayay ayaa la sheegay inay assal ahaan kasoo jeedaan deegaanada Somaliland.

Waxa sidoo kale jira dad ka tirsanaa ciidanka dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya kuwaasi oo maalmihii ugu dambeeyay ku geeriyooday dagaalka u dhexeeya maamulada soomaalida iyo Omorada kuwaasi oo assal ahaan kasoo jeeda Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here