Puntland oo War Kasoo Saartay Go’aankii Lagu Dhiibay C/kariin Qalbi Dhagax

0
62

Maamul Goboleedka  Puntland ayaa ka hadlay go’aankii Dowladda federaalka Soomaliya ay Ethopia ugu gacan galisay Sarkaal C/kariin Shiikh muuse (Qalbi Dhagax) oo kamid ah Jamhadda ONLF ee dagaalka kula jirta Dowladda Ethopia.

Wasiiru Dowladaha Xiriirka Gobolada ee Puntland Bashiir C/raxmaan Xaaji Gurxan oo la hadlay Warbaahinta ayaa taageeray go’aanka ay Xukumadda Soomaaliya Itoobiya ugu wareejisay C/kariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax, go’aankaas oo muran badan ka dhax dhaliyay Hay’adaha Dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay  in Dowladda Soomaaliya ay qaadatay go’aan sax ah Islamarkaana ay ku taageerayaan go’aankaasi.

“Go’aankii ay qaateen 6dii Bishaan Xukumadda waan taageersanahay waana mid sax ah oo aduunka oo dhan nagu taageeray waana inaa diidnaa cid kasta oo Soomaaliya Gudahadeeda ugu diilasa Wadamada dariska ah” ayuu yiri wasiiru dowlaha Xariirka gobalada ee puntland.

Dhanka kale Wasiiru Dowladaha Xiriirka Gobolada ee Puntland Bashiir C/raxmaan Xaaji Gurxan aya kula taliyay Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada Aqalka Sare in ay joojiyaan mooshinka ay wadaan sidoo kale Shacabka ayuu ka dalbaday in aysan dhaliilin Xukumadda oo ay la shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here