Farmaajo oo Lagu Casuumay Shir Ka Dhacaya New York

0
68

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayay Dowladda Qatar ku Casuuntay  shir gaar ah oo bishan ka dhacaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda Qatar ayaa ka dhinac furmaya shir sanadeedka guud ee Qaramada Midoobey

Sii hayaha Safaaradda Qatar ee Soomaaliya  Eng. Hassan Bin Hamza Asad Mohamed ayaa shalay kula kulmay Muqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, iyagoona kawada hadlay xiriirka Soomaliya iyo Qatar.

Labo casuumaad oo ka kala yimid Amiirka Qatar iyo Wasiirka Arrimaha Diabdda Qatar ayaa Madaxweynaha Soomaliya maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo iyo Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaliya Yuusuf Garaad la gaarsiiyay

War Kooban oo lagu faafiyay barta Facebook ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasiir Yuusuf Garaad uu guddoomay casuumadahaas.

Soomaaliya ayaa bishii June ee sanadkan mowqif dhex dhexaad ah ka qaadatay xiisadii siyaasadeed ee dalalka Khaliijka, kaddib markii Xulafada Sacuudiga hoggaaminayo ay xiriirka u jareen dalka yar ee Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here