Faah-faahin:-Diyaarad Duqeysay Deegaanka Kuntuwaarey

0
97

Diyaarad Dagaal oo ilaa haatan aan la ogeyn halka laga leeyahay ayaa duqeyay Saldhig Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ay ku leeyihiin Deegaanka kuntuwarey oo ka Tirsan Gobalka Shabeelaaha Hoose.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose aynu la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in duqeyntaas ay dhacday islamarkaana ay dib kasoo sheegi doonaan qasaaraha iyo mas’uulka lala beegsaday ee Al-shabaab ka Tirsan.

Diyaaradaha Dagaalka Dowladda Mareykanka ayaa inta badan duqeeya Saldhigyadda Al-shabaab ay ku leeyihiin deeganada gobolada dalka Soomaliya waxaana duqeyntii ugu dambeysay eee ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose lagu dilay gudoomiyihii Al-shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir Shiikh Cali  Maxamed Xuseen Jabal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here