Akhriso:-Xildhibaanadii Xujeyda Oo Laga Hor Istaagay In Ay Soo Laabtaan

0
80

Sida ay inoo sheegeen xubno ka Tirsan Dowladda Soomaliya waxaa dalka Sacuudi Arabia ku xayiran Xildhibaano ka Tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaliya iyo aqalka Sare kuwaasi oo dhawaan halkaas u tagay si ay usoo xajiyaan.

Waxaa la sheegay in Xukuumadda Soomaliya ay amartay in manifestada liiska laga saaro xujeyda xildhibaanada ah ee arbacada 13-ka bishaan kusoo noqon lahaa Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Somaliya.

Waxaa heshiis wada galay ra’iisul wasaare Kheyre iyo Saciid Nuur Gariish Milkiilaha Shirkadda Duulimaadka Jubba-land Air Weys si looga hortago xildhibaanadaasi inaysan ka qeyb qaadan fadhiyada baarlamaanka ee soo socda, si koorom loogu waayo dooda laga yeelanayo arinta Qalbi Dhagax oo ah sarkaal ONLFah.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la dhacsan dadaalka uu dowladdiisa ku taageeraayo Saciid Nuur Gariish oo hadda ah xildhibaanka ka tirsan aqalka Sare islamarkaana galaangal ugu jira sidii uu u noqon lahaa wasiirka duulista hawada.

Xildhibaano ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka ayaa horay u diyaariyay ajande looga hadlaayo xadgudubyada ganacsi ee shirkadda Jubba ee ku aadanaa qiimaha xajka lagu tago oo xaajigiiba shirkaddu ka qaato lacag dhan $3,800.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here