XOG: Nolosha Farmaajo Oo Halis Ku Jirta Haddii Aan…

0
107

Waxaa muqaneysa xilligaan in ay halis aan caadi ahayn ku jirto nolosha madaxweyne Farmaajo mar haddii xalay bannaanka Villa Soomaaliya lagu dilay wasiir ka tirsan dowladdiisa.

Xogtu waxay leedahay ma sugna amniga Villa Soomaaliya, cabsiga ah in wax lagu dilana maalmaha dambe waa ay jirtay, waxaana taasi keentay maadaama ciidamada ku sugan Villa aysan ahayn kuwo meel qura looga arrimiyo.

Shaqsi walbo oo madax isku sheegaya ha ahaadee xitaa guddoomiye degmo wuxuu wataa Maleeshiyaad uu ciidan ku sheegay, waana sababta keeneysa in shaqsiyaadkii dalkaan wax u qaban lahaa la dilo.

Wasiir Siraaji dilkiisa shacabka Soomaaliyeed ayaa aad uga xumaaday, waxayna shacabku sheegeen ineyba u baqayaan markaan in sidan oo kale loo dilo Farmaajo.

Cabsida jirta ayaa ah in haddii arrinkaan aan degdeg wax looga qaban in xaaladdu iska bedali doonto meesha ay hadda joogto, lana arki doono madax badan oo la ugaarsanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here