Wasiir Cadaani:-“Xuska Maalinta 18-ka May Lama Qaban Dooo, +Sababta

0
147

Maamulka Somali-land ayaa sheegay in aan sanadkaan la qaban doonin xuska maalinta  munaasibadda 18-ka May oo ah markii ay ka go’een Jamhuriyadda Soomaliya inteeda.

Wasiirka  Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, Md. Cismaan C/laahi Saxardiid (Caddaani)  oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in aan xuskan sannadkan loo qaban doonin xaflado  sidii sannadihii hore, abaaraha dalka ka jira awgeed.

Waxaanu tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo go’aamiyay in lacagtii ku bixi jirtay xafladahaas loo bedalay gurmadka abaaraha iyo qaadhaan ururintooda;

“Waxaa innagu soo fool leh xuskii munaasibadda 18-ka Mnay, waxaannu go’aamiyay madaxweynaha Somaliland,  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) in 18-ka May dabaal-degeedii aynu sannad walba samayn jirnay 25-kii sannadood ee la soo dhaafay in aanu sannadkan  sidii hore u dhici doonin. In Somaliland gobol iyo degmaba  in lacagtii lagu dabaal-degi jiray loo bedalo gurmadka abaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here