War Deg Deg:-Amiirkii Dhanka Dagaalada u Qaabilsanaa Al-shabaab oo La Dilay

0
215

Saraakiisha Ciidamada Dowlada Soomaaliya Deegaanka No-50  ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa Sheegay inay Xaqiisadeen in la Dilay Amiirkii dhanka Dagaalada u qaabilsanaa Aaga NO-50 kadib Dagaal culus ee Dhexmaray Ciidamada Dowlada oo ay wehliyaad Kuwa AMISOM iyo Al-shabaab.

Ninkaan oo lagu macaabo Amiir Cadnaan ayaa la Sheegay in uu ahaa Hogaamiyihiin Ciidamada Al-shaabaab ee Xalay Weeraray No-50 oo Saldhig u ahaa Ciidamada AMISOM IYO Dowladda Soomaaliya Sida uu Idaacada Simba u xaqiijiyay Maxamed Ciise Maxamed ka mid ah Hogaanka Ciidamada Dowlada aaga-No 50 waxa xusay in ay hayaan Cadaymo muujinaya in ninkaan oo ahaa Hogaamiye Sare oo Al-shaab Darajo sare oo dhanka Ciidamada ah ka hayey.

Sarkaalkaan u hadlay Militiga Soomaaliyeed Aaga No-50 ayaa Sheegay in Dagaal ay sidoo kale ku dileen 12-ka tirsan Xubnaha Al-shaabab kuwaasi oo meydkooda uu wali yaalo deegaankaasi waxa uuna baaq u diray Walidiinta Gobalka Shabeellaha hoose ee Dhalintooda ay ka Barbar dagaalanto Xarakada  Al-shabaab.

Xalay ayaa Weerar Culus oo la isku adeegsaday hubka noocyaddiisa kala duwan laga maqalay Tuulooyinka ku xeeran No-50 waxa uu dhexmaray Ciidamada Dowladda oo ay wehliyaan kuwa Howlgalka AMISOM iyo Al-shabaab waxaas saraakiisha militariga soomaaliya ay sheegeen in uusan jiran wax qasaaro ah oo dhankooda soo gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here