Ra’iisal wasaare Kheyre oo caawa dul tagay Meydka Wasiir Cabaas Siraaj

0
139

iQoraal kooban oo uu bartiisa Facebook soo dhigay wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisoow ayuu ku sheegay in ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu booqday Isbitaalkii la geeyay Meydka wasiirkii Howlaha Guud.

Eng. yariisoow waxaa uu intaa ku direy in R/wasaaraha uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxaya Marxuum wasiirkii Hawlaha guud iyo Dib u dhiska Dowlada .

“Allaha u naxariisto Wasiir Cabaas waxuu ahaa wasiir aad u firfircoon oo dhalinyaro ah tusaale wanaagsana u ahaa dhalinta” ayuu Bartiis facebook mar kale kusoo qoray wasiirka warfaafinta xukuumada Soomaaliya .

Ciidamadii risaaseeyay gaariga wasiirka oo la sheegay inay hoos tagayeen Hanti dhowraha guud ee qaranka ayaa la sheegayaa in la xiray , waxaaa wali socda baaritaan ku aadan dilka wasiir Siraaji .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here