Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho

0
151

War hadda inaga soo gaaray Wadada Taleex ee Degmada Hodan Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayaan in goor dhow uu halkaa ka dhacay Qarax xoogan.

Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in uu ahaa Gaari lagu soo rakibay walxo qarxa kaas oo ku qarxay agagaarka Maqaaxi ku taala Wadada Taleex waxaana goobjoogayaal ay inoo sheegeen in 4 ruux oo uu ku jiro qofkii gaariga watay in ay ku dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka ayaa goobta soo gaaray iyagoona dhamaan xiray wadada uu qaraxa ka dhacay waxaana goobta laga qaaday dhaawacyada dadkii qaraxa uu waxyeeleeyay.

La soco wixii soo kordha insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here