Madaxweynaha Mareykanka oo Warbaahinta Kasoo Muuqday Isagoo Dhahay….

0
116

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa sheegay in askari Amarikan ah oo kamid ahaa Ciidamada mareynka ee Soomaliya ka howlgala lagu dilay weerar lagu qaaday Saldhig Xarakad Al-shabab ay ku leeyihiin deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya.

Madaxweyne  Donald Trump, ayaa sheegay in askariga ka Tirsanaa Ciidamada Mareykanka uu dhintay xili uu dagaal kala horjeeday dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose, waxa uuna hadalkiisa ku daray in Mareykanka uu sii kordhin doono beegsiga Al-shabaab.

“Askari ka tirsanaa Ciidamadeena ayaa ku dhintay weerar Qorshaysan oo Lagu qaaday Goobo ay ku sugnaayeen Ciidamada Al-shabaab, runtii aad ayaan kaga xunahay dhimashadiisa,Mareykanka wuxuu sii xoojin doonaa dagaalka lagula jiro Xarakada Al-shabaab”, ayuu yiri Madaxweyne Donald Trump.

Dagaalkii ka dhacay deegaano ka Tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa loogu magac daray Black Howk Down 2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here