Madaxweynaha Kenya oo si weyn usoo dhaweeyay Wasiir katirsan Xukumada Kheyre..

0
634

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa si qurux badan usharfay Wasiirka Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya kaas oo baneeyay booskii safiirnimo ee Nairobi.

Xaflad gaaban oo ka dhacday madaxtooyadda Nairobi ayaa waxaa lagu sagootiyay Amb. Jamaal Xasan kaas oo mudo ahaa safiirka dowladda Soomaaliya ujooga Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa kulan gaaban la yeeshay Safiir Jamaal, waxaana uu urajeeyay inuu ku guuleysto shaqadiisa cusub.

Sidoo kale waxaa uu uga mahadceliyay doorkii uu kulahaa xariirka Soomaaliya iyo Kenya mudadii uu Safaarada joogay.

Kulankaas waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa siihayaha safiirka Soomaaliya ee Nairobi Cali Maxamed Sheekh Bagadi, waxaana uu kusoo dhamaaday jawi wanaagsan.

Dowladda Kenya ayaa tan iyo markii la doortay madaxweyne Farmaajo isku dayaysa iney hagaajiso xariirka kala dhaxeeya Soomaaliya iyadoo xukumadaha Nairrobi iyo Muqdisho ay horey heshiisyo ukala saxiixdeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here