LA-YAABKA): Cunug Ku Dhalatay Madax Labaad Oo Kaga Yaallo Caloosha

0
215

.Dhkhatiirta dalka Hinddiya yaa la sheegay inay ku guuleysteen qaliin ay ku sameeyeen gabar ku dhalatay madax  dheeraad ah oo kaga yaalla dhinaca caloosha.

Dhakhaatiirta Isbitaalka JK Lone ee magaalladda Jaipur ee Caasimadda Gobalka Rajistan ee dalkaasi ayaa la sheegay inay qaliin socday 4 saacadood ku sameeyeen gabadhaasi.

Madax dheeraadka ayaa la sheegay inuusan lahayn indho iyo dhego.

Waxay gabdho lahayd gacan saddexaad

Hooyo 21-jir oo aan magaceeda la sheegin ayaa la sheegay inay tegtay Isbitaalka Ram Shehi xilligii ay uurka lahayd, loona sheegay inay mataano wado.

Waxay ka cabanaysay xanuun dheeri ah oo aysan horey u soo arki jirin uurkeedii hore.

Waxay Dhakhaatiirtu saareen mashiinadda (a sonography scan and an ultrasound), isla markaana u sheegeen inay wado ilmo mataano ah, inkastoo aysan ogaanin qaab-dhismeedka ilmahaasi ku jiray uurka hooyada.

Mataanaha sidan mucjisada ku dhashay ayaa naadir ku ah Calaamka, waxayna Dhakhaatiirtu sheegeen in halkii million oo carruur dhalata laga  helaa hal ilmo oo qaab mataano aan dhamaystirnayn leh.

Dr. Vijiyeta Garg oo ah Dhakhtar ku takhasusay cuddurada Haweenka (A Gynaecologist) oo eegay Haweeneydaasi ayaa sheegay in hooyadda iyo ilmaheeda la badbaadin kaaro.

Aabaha dhalay ilmahaasi oo 24 jir Beeraley ah waxa uu sheegay in muhiimadda 1-aad tahay in xaaska la badbaadiyo, kadibna cunug yar.

Hawlgalka Qaliinkjaasi oo ddhacayu bishii la soo dhaafay ee April 26-da ayaa la xaqiijiyey in lagu guuleystay, kadib, markii ay Qaliin Dhakhaatiir ah iska kaashadeen Qaliinkaasi oo socday muddo 4 saacadood.

Madixii dheeriga ayaa laga soo saaray Caloosha, waxaana sidoo la jaray gacantii saddexaad ee dheeriga ahayd.

Dhakhaatiirta Isbitaalka wax kharaj ah kama qaadin Qoyska oo ku aadan Daryeelka Caafimaadka iyo Qaliinka.

Ilmaha yar oo gabar ah ayaa la sheegay inay soo kabanayso, iyadoo la siiyo caanaha naaska hooyadeeda, waxaana la filayaa goor dambe oo isbuucan ah in laga saari doono Isbitaalka ay ku jiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here