Howl-Galkii ugu coslaa oo Laga Sameeyay Muqdisho

0
133

Cutubyo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa howlgal lagu adkeeynayo ammaanka Xalay ka sameeyay xaafado ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Howlgalkan oo ay qeyb ka ahaayeen Ciidanka Booliska AMISOM ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah Degmooyinka Warta nabada, Hodan, Howlwadaag Xamar jajab iyo xaafado kale.

Ciidamada ayaa Dadka ku dhaqan Xaafadaasi u sheegayay iney is dejiyaan isla markaana ay laamaha ammaanka la wadaagaan sugidda nabad gelyada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in ujeeddada howlgalkaasi uu qeyb ka yahay qorshaha lagu adkeynayo ammaanka Caasimadda xilliga Habeenki ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here