Gobolka Benaadir Oo Loogu Baaqay In Ay Tixgeliyaan Aragtida Bulshada Gobolka

0
105

Gudoomiyahe ku xigeenkii hore ee dhinaca amniga maamulka gobalka Benaadir  Warsame Joodax oo wareesi gaar ah siiyey barnaamijka Bartilmaameedka Idaacadda Simba ayaa waxa uu maamumlka cusub ee gobolka banaadir ugu baaqay in ay tix geliyaan aragtida bulshada ay matalaan ee ku dhaqan gobolka Benaadir.

waxa uu sheegay in looo baahanyahay in laga shaqeeyo isu soo dhawashaha iyo wax wada qeybsiga iyo in wax kasto lagu dhameeyo qaab ku saleesan is fahan.

waxuu sidoo kale sheegay in looga fadhiyo maamulka gobolka Benaadir in ay u fikiraan sidii ay ugu adeegi lahaayeen dadka ay madaxda u yihiin oo ay xaqooda usoo dhicayaan.

ugu dambeyntiina hadalka Gudoomiyahe ku xigeenkii hore ee dhinaca amniga maamulka gobalka Benaadir   ayaa imaanayo xili maamulka cusub ee gobolka Benaadir uu isbadal ku sameeyay madaxda maamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here