Farmaajo oo ka degay Addis Ababa “SAWIRRO”

0
138

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Adis-Ababa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Itooobiya iyo xubno kale.

Sidoo kale soo dhaweynta Madaxweynaha waxaa ka qeyb galay Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn, waxaana la filayaa in uu kulamo la qaato Madaxda Itoobiya.

Farmaajo inta uu ku sugan yahay Itoobiya ayaa Madaxda Itoobiya kala hadli doona xiriirka Labada dal, arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka Shabaab.

Booqashada Farmaajo ayaa timid kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Itoobiya ku tagay Safarkiisii 6-aad mudo ku siman 83 Cisho, horay waxa uu u aaday dalalka Sucuudi Carabiya, Kenya, Jordan, Imaaraadka Carabta iyo Turkiga..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here