DEG DEG:”:Sargaal ka tirsan Al-Shabaab oo isa soo dhiibay _+Magaciisa

0
213

Warar ay heleyso booqasho news  ayaa waxaa ay sheegayaan in uu isa soo dhiibay sargaal sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Sargaalka ayaa isaka soo dhiibay deegaanka Dhamaso oo ka tirsan Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo isagoona isku dhiibay Ciidamada Maamulka Jubbaland ee ku sugan Gobolkaas.

Wasiirka Amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur ayaa wuxuu sheegay in uu Xil muhiim ah ka hayay sargaalkaas Kooxda Al-Shabaab waxaana uu ahaa Madaxii Caafimaadka Al Shabaab ee gobalkaas.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Mid ka mid ah Saraakiishaas lagu magacaabo Cabdikariim Sheeh Xasan waxaana la qariyey magacii ugu howlgalayay kooxda Al-Shabaab waxaana uu ka gaabsaday in uu sheego Magacyada Xubnaha kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here