DEG DEG:” Wabiga Shabeelle oo Fatahaad Ka sameeyay Deegaano Dhaca Magaalada

0
156

Wararka ka imaanaya magaalada jowhar ayaa waxa ay sheegayan in wabiga shabeelle uu fatahaad ka sameeyay deegaano hoostaga dagmada jowhar ee xarunta gobolka shabeellada dhexe. Deegaan lagu magacaabo Buur Bishaar oo 8km dhinaca Waqoyi Bari kaga beegan magaalada Jowhar ayuu wabiga ku fatahay sida ay inoo sheegeen dadka deegaanka. Wabiga wuxuu ku fatahay dhul beereed aad u baaxad weyn oo deegaanka ku yaala waxaana ka dhashay qasaaro soo gaaray dalagyadii beerta ka baxaayay. Fatahaadda wabiga ayaa timid ka gadaal markii roobabka gu’a ay ka curteen gobollada dalka soomalia gobolka shabeellada dhexena uu si xoogan uga da’ay roobka gu’a.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here