Deg Deg:-Ragii Ka Dambeeyay Dilkii Wasiirka Howlaha Guud oo Gacanta Lagu Dhigay

0
385

Saraakiisha Laamaha Ammaanka Dowladda Soomaliya  ayaa Xaqiijiyay in la gacanta lagu Hayo Labadii nin ee toogtay Wasiirkii Howlaha Guud  iyo dib u dhiska Xukuumadda Federaalka Soomaliya Xil. Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaj,iminkana Meydka Marxuumka uu yaallo xarunta Madaxtooyada Dowladda Soomaaliya, iyadoo ay socoto baaris la xiriirta sida uu falkaasi u dhacay.

Sarkaakiisha waxa ay sheegeen in baaritaanka lagu hayo laba shaqsi ee la sheegay in ay ka dambeeyay dilka Wasiirkii Howlaha Guud  iyo dib u dhiska Xukuumadda federaalka Soomaliya Xil. Cabaas Cabdullahi Sheekh Siraaj, markuu soo dhamaado ay warbaahinta la wadaagi doonaan sida uu u dhacay falka lagu dilay Wasiirka.

Ciidamada Ilaaladda Hantidhowraha qaranka Soomaliya oo watay gaari kuwa dagaalka ah ayaa la sheegay in ay rasaas ku fureen gaari uu la socday Wasiirkii Wasaaradda Hawlaha Guud iyo dib u dhiska Xil. Cabbaas Sheekh Cabdullaahi Siraaji oo marayay agagaarka Xarunta Madaxtooyadda Soomaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here