DEG DEG :””Dibadbax ka dhacay War-shiiq

0
123

Degmada War-shiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe maanta waxaa ka dhacay Banaanbax balaaran, sida uu soo sheegayo wariyaha booqasho news ee Magaaladaasi.

Banaanbaxan ayaa waxaa ka qeyb galay dadweyne isaga kala yimid dhammaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmadaasi, waxaana soo qaban qaabiyay Maamulka Degmada.

Banaanbaxan ayaa shacabka waxa ay ku dalbanayeen in Maamulka Hirshabeelle loo ogolaado in uu furto Dekadda Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo in loo ogolaado in Magaalada Jowhar ay yeelato Garoomo Diyaaradeed.

Dadka Banaanbaxa dhigayay ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxa ay ka dalbadeen in Hirshabeelle ay hesho wax walbo ay heystaan Maamulada kale.

Xoghayaha Degmada War-shiiq ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo la hadlay Risaala ayaa sheegay in ay sii wadayaan Banaanbaxyda ilaa qeyla-dhaantooda laga jawaabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here