Camey:-“Buuhoodle Waa Magaalo Puntland ka tirsan ,Ma ahan mida Somali-land

0
109

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey)  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhibaatooyin ay wajahayaan shacabka Soomaliyeed ee ku nool deeganada Gobolka Togdheer, islamarkaana ay wax qaban doonaan.

Madaxweyne Camey oo Shacabka Buuhoodle ka dhegaysatay baahiyahooda,ayaa sheegay in ay isku biirsadeen dhibaatooyin badan, islamarkaana Puntland ay u diyaar Garoobayso sidii loo samata Bixin lahaa dadkaas.

Dhinaca kale, madaxweyne ku xigeenka Maamulka  Puntland ayaa xaqiijiyay inay Magaalada Buuhoodle ay  tahay magaalo Puntland ah oo aan shaki ku jirin, wuxuuuna meesha ka saaray dacaayadaha raqiiska ah ee ah inay Magaalada  Buuhoodle tahay magaalada lagu muransan yahay.

“Hay’addaha samafalku baqaylnimadooda waxay Buuhoodle ku tilmaameen dhul lagu muransan yahay hadaba waxaan taaganahay xararamka oo ah bartii ugu dambeysay Puntland, waxaana u sheegayaa caalamka in halkani tahay dhul Puntland, dadkaanina yihiin dadkaygii,” ayuu yiri Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here