Beyle:-“Warbaahinada Soomalida Qaarkood Xilkas Ma ahan”,

0
133

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaliya C/raxmaan Ducaale Beyle  oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitter-ka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu qilaaf kala dhaxeeyo Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya Xasan Cali kheyre kadib markii ay soo baxeyn warar ku aadan in Raisulwasaaraa uu la wareegay Hanaanka Maaliyadda Dalka.

C/raxmaan Ducaale Beyle Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda federaalka Soomaliya  ayaa tilmaamay in Wasaaradiisa ay ka shaqeynayso sidii loo tayeyn lahaa dib u dhiska dalka, islamarkaana  saaxaafada dhankooda loogu baahan yahay in aysan baahinin wararka been abuur ah, oo dilaya sumcadda dalka.

“Warka beenta ah ay baahisay warbaahinta xilkaska aheyn ee la xiriira muran Raisulwasaaraha Soomaliya waa qalad,waxaan diiradda saaraynaa dib u dhiska dalka”, ayuu yiri C/raxmaan Ducaale Beyle.

Garyaqaanka Guud ee Dowladda Dr Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa soo saaray qoraal uu uga hadlayo xadgudubyo lagu sameeyay sharciga iyo fara gelin Ra’iisul Wasaaraha ku haayo Maamulka Miisaaniyadda dowladda.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii dhowaan Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle ay isku qabsadeen hab maamulka Miisaaniyadda dowladda iyo canshuur dhaaf loo sameynayo Hey’adaha aan dowliga aheyn, taasi oo keentay in Ra’iisul Wasaaruhu la wareego howlihii uu u xil saarnaa Wasiirka Maaliyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here