AlShabaab oo Arin naxdin leh maanta ka sameeyay Meel Fagaaro ah oo katirsan Gobolka Hiiraan

0
300

Ururka Al Shabaab, ayaa goor dhaw fagaare ku yaalo deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan, waxa ay ku dileen laba ruux oo mid ka mid ah dilkiisa loo adeegsaday dhagax, halka midka kalena toogasho lagu dilay.

Ruuxa dhagaxa lagu dilay, ayaa Al Shabaab waxa ay ku eedeeyeen inuu gaystay fal kufsi ah, kadibna uu dilay gabadhii uu kufsaday walaalkeed, iyadoo arintaasi uu ku caawiyay askari sida Shabaab ay sheegeen ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Axmed Ibraahim Raagow oo 29 ayaa Al Shabaab ku eedeeyeen inuu kufsiga ka gaystay Magaalada Baledweyne, isaga oo horay guur u soo maray.

Al Shabaab ayaa sheegay ruuxa kale ee dilka toogashada ah lagu fuliyay inuu yahay askari ka tirsan ciidamada dowladda oo ninka kufsiga gaystay ka caawiyay dilka gabadha la kufsaday walaalkeed.

Ruuxa kale ee Shabaab ay dileen, ayaa lagu magacaabaa Yuusuf Cali Bajiin oo 22, kaasi oo ay sheegeen inuu qayb ka ahaa falka kufsiga.

Fagaaraha xukunka dhagax ku dilka ah iyo toogashada uu ka dhacay ee deegaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan, ayaa waxaa Shabaab ay ka sheegeen in labada ruux ee la dilay lagu soo qabta hawlgal Shabaab ay ka fuliyeen Magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Xukunkaan ayaa sida Shabaab ay sheegeen waxaa fulisay maxkamada Al Shabaab ee Gobolka Hiiraan, waxaana saaka markii xukunka uu dhacaayay fagaaraha ku sugnaa dadweyne fara badan oo daawanaayay qaabka xukunka dhagax ku dilka ah Shabaab ay u fuliyeen.

Maxkamadaha Shabaab ayaa inta badan soo saara xukun hal dhinac ah, iyadoo dadka la xukumo aysan heli qareeno u dooda kiiska eedeynta ah ee Shabaab ay ku soo oogeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here