Yuusuf Garaad oo sheegay in Imaaraadka ay ku heshiiyeen arin halis ku ah=======

0
34

 

Wasiirka Arimaha dibadda DFS Yuusuf Garaad oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa shaaca ka qaaday ineysan suuragal aheyn in Imaaraadku uu shaki geliyo madax banaanida iyo midnimada Soomaaliya.

War uu soo dhigay Bogiisa arimaha bulshada ayuu Yusuf Garaad uu ku sheegay in madaxweyne Farmaajo si weyn loogu soo dhaweeyay Imaaraadka isla markaana dalkaas uu diyaar uyahay inuu Soomaaliga Garab taagnaado.

Hoos ka Akhri Warbixinta Yuusuf Garaad

Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada iyo burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga iyo socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay.

Shiikh Maxamed bin Zayed, wuxuu Madaxweynaha ugu hambalyeeyay doorashada uu dhowaan ku guuleystay iyo taageerada ay siiyeen shacabka Soomaaliyeed. Wuxuuna sheegay in uu laba laabi doono taageerada ay dowladda Isu-Tagga Imaaraadka Carabtu siiso Dowladda Soomaaliyeed si ay uga guuleysato kooxaha nabad-diidka ah oo uu ku tilmaamay in ay doonayaan in ay afduubaan diinta Islaamka.

Soomaaliya iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabtu waxay isla qireen in ay Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya ay yihiin lama taabtaan  ayna muhiim u yihiin amniga iyo iskaashiga labada dhinac.

W/Q: Yusuf Garaad

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here