Yarisow oo cadeeyay cida uu muhiimada koowaad siinayo

0
41

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ayaa maanta xafiiska kala wareegay wasiirkii hore mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” kadib xaflad si xeer sare ah loo agaasimay oo ka dhaqday xarunta Wasaaradda ee magaalada Muqdisho, iyadoo uu goobjoog yahay ku xigeenka ra’iisul wasaaraha, Mudane Mahdi Maxamud Guled (Khadar).

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Khadar ayaa sheegay muhiimada warbaahinta dalka iyo sidii bulshada wacyigelin buuxda looga sameyn lahaa arrimaha Musuqmaasuqa iyo dowlad wanaaga.

Wasiirkii hore ee warfaafinta, Maareeye ayaa si niyadsan ugu mahadceliyay dhamaan shaqaalaha sida ay ula shaqeeyeen, wuxuuna ku dhiirigaliyay in ay la shaqeeyaan wasiirka cusub. Wasiir Maareeye, ayaa sheegay in “Eng Yariisoow uusan ahayn qof ku cusub Wasaaradda, maadaama uu sanadkii 2010 wasiir ka soo noqday isla wasaaradan, isla markaana uu soo qabtay xilal ay ka mid yihiin afhayeen xukuumadda, La taliye saree ee dowladda. Waxaanan aad ugu kalsoonahay in uu si buuxda u horumarin doono warbaahinta Soomaaliya.” Tan iyo markii si rasmi ah loo magacaabay wasiirka cusub, ayaa daneeyayaasha warbaahnta Soomaaliya iyo dadwaynaha Soomaaliyeedba aad u soo dhoweeyeen, iyagoo warbaahin kala duwan sida warbaahinta bulshada ku soo bandhigay dareenkooda, Waxay tani muujinaysaa in uu haysto kalsoonida dhamaan howlwadeenada iyo milkiilayaasha warbaahinta, iyagoo aaminsan in uu si wanaagsan u fulin doono waajibaadkiisa qaran. Si niyad ah oo dhab ahna wuxuu ugu rajaynayay Guul.”

Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow), ayaa sidoo kale u mahadceliyay wasiir Maareeye iyo dhamaan shaqaalaha wasaaradda howsha wanaagsan iyo shaqada hufan ee ay u hayaan wasaaradda iyo dalkaba guud ahaan. Wuxuu si ballaaran oo niyad ah uga mahadceliyay taageerada ballaaran iyo kalsoonida uu ka helay howlwadeenada warbaahinta iyo dadwaynaha, kadib markii loo magacaabay wasiirka warfaafinta. Eng Yarisow ayaa yiri “Erayo ama sadarro kuma soo koobi karo mahadcelinta aan u hayo dadwaynaha Soomaaliyeed iyo saaxiibadayda kae ee ajnabiga ah oo si ballaaran iigu soo hambalyeeyay tobankii maalmood ee la soo dhaafay ama wixii ka dambeeyay markii la ii magacaabay wasiirka warfaainta. Waxaan idinka codsanayaa in aad igu taageertaan horumarinta warbaahinta Soomaaliya si loo helo kalsooni saraysa, oo ay rajo ku abuuraan bulshada Soomaaliyeed. Waxaa iga go’an oo go’aan iga ah in aan u horseedo wasaaradda, iyadoo aan si dhow ula shaqaynayo daneeyayaasha dhamaan, oo ay ku jiraan dadwaynaha iyo warbaahinta gaarka loo leeyahay ee dalka. Haa, Waan ku guulaysan karnaa howsha.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here