XOG:URURKA CUSUB EE XAQ CADEEYAYAASHA MAXAD KALA SOCOTA WAXA AY AAMINSANYIHIIN

0
49

Dhawaan Waxay ku dhawaaqeen koox Macalimiin Jaamacaddo ah U badan iyo Maamulayaal xarumo waxbarasho oo aad looga yaqaan dalka Soomaaliya Gaar ahaan Muqdisho Urur la magac baxay (الصادعون بالحق) Ururka Xaq Cadeeyayaasha.

Bayaanaad ay soo saareen ayay ku sheegeen manhajkooda iyo sida ay u abaaraayaan mujtamaca Soomaalida, Waxaa kaloo Garab socday Bayaanaadkooda Bayaanaad Koox Caalami ah oo Ka Socotay dowladaha Carabta Qaarkood Oo Xubnaha kooxda Soomaalidana ay qayb ka yihiin Isku ururna yihiin.

Ururkan Ayaa sheegay in mudo ka badan 40 Sano ay aasaasnaayeen laakiin aysan rasmiyan isu muujinin haddana la gaaray xiligii ay is muujin lahaayeen duruufo ka jira Caalamka Islaamka Daraadeed.

Maxaa iiga Baxay Ururkan?

1. Xubnaha Ururkan Ku jira intooda badan waa Ragii loo yaqaanay Takfiir Jawi Oo Macnaheeda yahay Takfiirka is qariya

2. Afkaarta ay ku soo bandhigeen bayaanaatkooda waa isla afkaartii lagu tuhunsanaa ragaan hadda ku dhawaaqay Ururka, laakiin marar badan ay inkiri jireen in afkaartaan qabaan ama ka amuusi jireen marka lagu tuhmo afkaartaa oo qayb ahaan ah gaalaysiinta mujtamaca muslimka ah.

3. Inta badan waa rag wax bartay oo leh takhasusaad kala duwan ahna kawaadir aad uga dhex muuqda xarumaha waxbarashada nooceey doonaan ha ahaadeenee.

4. Qaar badan oo ka mid ah waxay ka tirsanaayeen Ururkii Caanka Ahaa ee Ahli Oo la aasaasay 1973dii markii dambana burburay ka dib markii ay soo dhex gashay afkaar gaalaysiin ah oo inta badan xubnihii ururka ay qaateen markii danbana keenay burburka Ururka iyo in intii badneed xubnihii ururka ka noqdeen afkartii gaalaysiinta, taa oo gogosha u xaartay in dhamaadkii todobaatameeyadii Xubnihii ururkii Ahli Qaarkood Sameeyeen Ururkii Islaax Iyo Jamaaca Islaamiya Oo markii danbe loo bedelay Al itixaad al islaami (Ictisaam)

5. Markii ay sameesmeen labadaa urur waxaa jiray Xubno ku haray ururkii Ahli Oo Haystay fikirkii gaalaysiinta kana tanaasulin uuna ku jiray Amiirkii Ururka iyo xubno muhim ah inkastoo inta badan xubnihii ahliga ay isaga tageen Takfiirinta oo ay ku kala biireen labadii urur ee aan soo sheegnay.

6. Ragaan hada ku dhawaaqay ururka inta badan waa ragii waagaa ku baaqiga ahaa fikirkii gaalaysiinta uuna ka baaba’ay Ururkii ka dib markii inta badan ragii kula jiray ay ka baxeen aasaasteena labadaa urur ee waawayn ee markii dambana dhul waynaha Soomaalida ku faafay.

7. Mudadii afartanka sanadood ahayd ee ka danbaysay bur burkii ururkii ahli ayaa waxaa jiray in dadka qaar oo xog ogaal ahaa ay sheegi jireen in ragii ku haray fikirkii gaalaysiinta wali isku xiran yihiin si qarsoodi ah Ururna ay yihiin, dadka qaar ayaase ku doodi jiray nimankaa in ay baaba’een oo Wax Urur ah uusan u jirin ay iska yihiin dad saaxiiba ah.

8. Inta badan ragaan Ururka hada ku dhawaaqay waxay xooga saari jireen tacliimta maadiga ah ayagoo aad uga dhex muuqday mu’aasasaatka tacliimta ee ay leeyihiin xarakaatka islaamiga ah sida jaamacadaha iyo Macaahida iyo xataa iskuulada, maadaama ay kawaadir ay ahaayeen ku fiican tacliimta waxay ahaayeen kuwa aan looga maarmin tacliimta heer kaste, sidoo kale waxaa jiray mu,asasaat tacliimi ah oo ay ayaga qayb ahaan wax ka aasaaseen oo ay ka shaqayn jireen.

9. Waxaa mulaaxado ah in rag muhim ah oo uu ka mid yahay amiirkii hore ee ahli oo lagu tirinaayay ragan in uusan ka muuqan fiidiyoowga ay ku soo bandhigeen barnaamijkooda, waxaa kaloo ka maqan sheekh cabdiqaadir aw muuse oo u ah munadirkooda (fikir soo bandhigahooda) oo dhawaan qoray dhoor buug oo uu ku soo bandhigaayay taariikhda Saxwada asagoo ku andacooday in saxwada asalka ah ee soomaalida ay tahay kooxdooda, ka maqnaashaha labadaa sheekh ee muhimka ah ma cadda ilaa hada in ay khilaaf iyo is faham waa kaga maqan yihiin iyo in un muuqaalka bes ah ka maqan yihiin ee Ururka Dhismihiisa qayb ka yihiin, koleey maalmaha soo socdaa la ogaan doonaa.

10. Runtii Waxaa aad u yaab leh in dhawaan Sheekh Cabdiqaadir Aw Muuse Kutubtiisa uu qoray uu ku soo bandhigay dood oronaysay in ayaga ay yihiin asalka saxwada soomaaliya laakiin uu ku eedeeyay xarakaatkii ka sameesmay ahli ee Islaaxa Iyo Ictisaamka ay ka Boobeen Saxwadii ayna yihiin Xarakaatkaa Afkaar ku soo duushay saxwadii soomaalida oo taakuleen Carbeet ay sababtay in ay xoogeestaan ayagoo saxwadii soomaaliyeedna ay ayaga qabsadeen, runtii doodaa ayadoo ay jirtay ayaa waxaa soo baxday in kooxdan cusub ay qayb ka tahay koox caalami ah oo ka dhisan dalka dibadiisa taas oo soo afjareesa doodii Aw Muuse Ee ku Eedeenaysay xarakaatka in ay yihiin fikir ku soo duulay saxwadii soomaaliya oo caalamka looga yimid.

11. Ugu danbays waxaa iska cad fikirka ay xambaarsan yihiin Ururka Cusub Oo Ah Gaalaysiin Muslimiinta Oo Is qarin ah(Takfiir) Waana Meesha Ay kaga duwan yihiin Takfiirka la yaqaano oo ah in Kooxdaa Takfiirka Ah Ee Madaxda U Yahay Sh. Maxamud Nuur Cusmaan Ayaga Isma qariyaan, Waxaa kaloo Ay kaga Duwan yihiin In dadka ay soo dhex galaan qoladan Ururka Cusub Sameesatay ee loo Yaqaanay Takfir Jawiga .(Takfiirka Dadka Isku Ekaysiiya)

12. Waxaan arkaa maadaama 40 sano ka dib is muujiyeen ragan Dakaatirada ah Iyo Asaatidada ah in ay furantay wadadii lagula nuqaashi lahaa oo lagu sixi lahaa dowrkaa oo markii hore meesha ka maqnaa, ileen maba ay is muujin jirinee .
Waxaan ka codsanayaa Culimada soomaaliyeed ee waawayn sida Culimda hogaamisa hay’adda Culimada Soomaaliyeed in ay u furaan ragan niqaash iyo gar naqsi si meesha looga saaro afkaarta ay qabaan ee gaalaysiinta, Aniga waxaan arkaa in ragan Aasaasay Ururkan Cusub oo ah rag karti iyo Aqoon lagu yaqaana ahna rag waaya arag ah hadii Lagu Qanciyo fikirka Gaalaysiinta in meesha ay ka saaraan ragaan iyo ururkoodaba kuwa wax ku sii kordhin kara mujtamca Soomaalida, Dowrna Ka qaadan karo dacwada soomaalida iyo tacliimtaba.

ALLAH SIDA SAXDA AH HANA WAAFAJIYO

Maxamed aadan abdile

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here