Xog Muhiim Ah:-Maamulka Galmudug Oo Soo Qabtay Koox Burcad Badeed Ah

0
41

Maxamed Yuusuf Xaashi Taliyaha Ciidamada Ilaalada xeebaha Maamulka Galmudug ayaa ka warbixiyay howl-gal ay ksuoo qabteen koox hubeesan oo la fahansanyahay in ay yahiin burcad badeed.

Taliyaha ayaa sheegay in ay ciidamadda ilaalada xeebaha maamulka galmudug ay gacanta kusoo dhigeen afar ka tirsan koox la aaminsanyahay in ay yahiin burcad badeed oo hori u afduubtay dooni u rarneed ganacsato Soomaaliyeed oo ku wajahneed Magaaladda Kismaayo.

Waxuu sheegay in ragaan ay ku xiranyahiin xabsi ku yaala Degmada Hobyo loona sii gudbin doono Maxkamadda Gobolka, dhowaana la soo taagi doono Maxkamad, si cadaalada loo horgeeyo.

Qab qabashada ragaan ka tirsan burcad badeeda ayaa kusoo aadayso iyadoo maalinamdii shalay ahayd ciidamadda nabad sugida Galmudug ay soo furteen Sideed badmaaxiin ah oo u dhalatay dalka India.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here