XOG: Maxaa maanta dhexmaray Gudoomiyaha Cusub ee G.Banaadir & Gudoomiyihii hore?

0
43

 

Gudoomiyaha Cusub ee G/Banaadir aya hooygiisa ku booqday gudoomiyaha xil ka ka si tagaya Yusuf Jimcaale.

Booqshada ayaa aheyd kala warqaadasho maadama xilka u ku wareejin doono habeen dambe oo la filayo iney dhacdo xaflad heer sare ah .

Gudoomiye cusub ee gobolka Banaadir Taabit ayaa lagu wadaa inu xilka la wareego Habeenka Sabtida iyadoo munaasabada xil wareejinta ay noqon doonto mid ay kasoo qeyb galaan masuuliyiinta dowladda.

Labada masuul ayaa ugu dambeyn ku heshiiyay in si wada jir ah ay uga wada shaqeeyaan hormarka caasimadda Muqdisho.

Si kastaba, Qabanqaabada xaflada xil wareejinta ayaa ka soconeysa magaalada Muqdisho waxaan xafladaas ay kusoo aadeysaa xili amaanka magaaladda Muqdisho lasii xoojiyay

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Taabit Cabdi ayaa maalinti khamista aheyd si weyn loogu so dhaweeyey magaaalada Muqdisho kadib safar uu kaga yimid Washington

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here