XOG: Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan xil ka qaadis ballaaran sameyn doona (Xagee?)

0
37

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa dhawaan waxa uu damacsan yahay in xil ka qaadis ballaaran uu sameeyo, taasi oo noqon doonta tii ugu ballaarneyd ebed.

Farmaajo ayaa xilka ka qaadi doona sida qorsha yahay dhammaan agaasimayaasha wasaaradaha xukuumadda Soomaaliya ee joogtada ah, waxaana la diyaarinayaa shaqsiyaadkii lagu bedali lahaa.

Waxay saameyn doontaa arrintani agaasimayaal badan oo muddo joogay, waxayna noqon doontaa xil ka qaadistii ugu ballaarneyd ee uu madaxweynaha sameeyo.

Ilo lagu kalsoon yahay waxay inoo sheegeen in maalmaha soo aadan ay arrintani dhici doonto.

Khamiistii lasoo dhaafay, wuxuu Farmaajo xil ka qaadis ku sameeyey dhammaan taliyayaasha ciidamada qalabka sida, kuwo cusub ayaana lagu bedalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here