XOG CUSUB: Dowladda Imaaraadka oo xil Cusub u magacaabatay Cumar…

0
40

Xog la helay ayaa sheegeysa in mid ka mida siyaasiyiinta caanka ah ee Soomaalida uu dowladda Imaaraadka Carabta kala shaqeyn doono arrimaha Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke), kana mid ahaa musharixiintii xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee 2017 ayaa la sheegay inay xil u magacowday dowladda Imaaraadka Carabta.

Cumar C/rashiid ayaa la sheegay in loo magacaabay xilka la-taliyaha dowladda Imaaraadka ee arrimaha Geeska Afrika, isagoo la dejinayo magaalada Abu Dhabi isla markana dowladda dalkaasi kala shaqeyn doona danaha ay ka leedahay Soomaaliya.

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya ahaa saaxiib dhow la ahaa Imaaraadka, waxaana la tuhunsan yahay inuu qeyb ku lahaa heshiiskii Imaaraadka lagu siiyay saldhig milateri oo uu ku yeeshay magaalada Berbera intii uu xilka hayay.

Ra’iisal wasaaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke),

Ra’iisal wasaaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali (Sharma’arke),

Jagada cusub ee Cumar C/rashiid ayaa Imaaraadka u saamaxeysa inuu galaaangal weyn ku yeesho sidii dekadaha harsan ee Soomaaliya ay ula wareegi lahaayeen shirkadaha Imaaraadka, kuwaasoo kala ah Dekadaha Muqdisho iyo Kismaayo.

Imaaraadka ayaa sidoo kale dhaqaale ahaan ka taageertay doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee uu isu soo taagay, isagoo ka tanaasulay wareegii labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here