XOG: Ciidamada Danab Oo Helaya Diyaarado u Gaar Ah

0
69

Waxaa socda qorshe ballaaran oo ay waddoo dowladda Maraykanka, taasi oo ku aadan in diyaarado gaar ah lagu siiyo ciidamada Danabd ee xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidamada oo hoostaga dowladda Maraykanka ayaa la sheegayaa in markaan la siinayo diyaarado Helicoptre ah, balse aan hub ku rakibneyn, waxaana ay u adeegsan doonaan howlgallada daabulista ciidamada oo kaliya.

Maraykanka ayaa ciidankaan u arkay iney yihiin kuwa kaliya ee howlgallada lugta ah ka fulin kara meelaha ay Al-shabaab ku sugan yihiin, sidaasi darteed waxay doonayaan iney aad usii qalabeeyaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay dedaalka ay waddo dowladda Maraykanka ee ka qeybqaadashada qalabeynta iyo dib u dhiska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here