Xiiso malahan Doorashada Madaxweynaha Galmudug ee dhawaan Cadaado ka dhaceysa (Sababta Ogow)

0
32

Sida qorshuhu yahay 10-ka bishan ayaa la filayaa in lagu doorto magaalada Cadaado Madaxweynaha Maamulka Galmudug , Baarlamaanka ayaana dooran doona cida badaleysa Cabdikariin Guuleed oo horey isaga casilay Madaxweynaha Galmudug.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa u muuqata mid xiligan aan xiiso badan laheyn, waxaana muuqda in la doonayo in deg deg lagu dhiso maamul aan micno badan abuurin oo wali farqaha la heesto.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan Madaxda Galmudug iyo Baarlamaanka ka codsaday in doorashada dib loo dhigo, Kooxda Ahlu Sunna ayaa sidoo kale taladaas oo kale jeedisay si ay maamulka uga mid noqdaan.

Kulan ay dhawaan Cadaado ku yeesheen Baarlamaanka Galmudug ayaa lagu diiday soo jeedintii Kheyre, waxa ayna Baarlamaanka isku raaceen in doorashada Madaxweynaha ay dhacdo 10-ka bishan April , mana muuqato saan saanta doorasho Madaxweyne oo Cadaado ka dhaceysa.

Xiiso badan malahan Doorashada Madaxweynaha Galmudug hadii uusan isbadal imaan oon waqti dheeraad ah lagu darin waqtiga ay qorsheeyeen Baarlamaanka Galmudug, waxaana jira tiro yar oo Warbaahinta iyo baraha bulshada ka sheegay in ay u sharaxan yihiin Madaxweynaha Galmudug.

Dadka Siyaasada Falanqeeya ayaa aaminsan in Maamulka Galmudug uu noqon karo mid hana qaada oo horey u socda hadii ay qeyb ka noqdaan Maamulka Ahlu Sunna ee fadhigoodu yahay Dhuuso Mareeb iyo Guriceel.

Xukuumada Soomaaliya ayaa dhankeeda wax badan kala socon qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Galmudug, mana jiro ilaa hada masuul katirsan dowlada Soomaaliya oo gaaray magaalada Cadaado oo la filayo in doorashada ay ka dhacdo

Doorkii Dowlada Soomaaliya ku laheed doorashada Madaxweynaha Galmudg ayaan wali muuqan, waxaan sidoo kala cadeyn in dowladan ay noqon doonto sida dowladii hore oo Madaxweynaha Galmudug u dhiibtay shaqsi Madaxtooyada laga taageerayay.

Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa la saadaalinayaa in uu dib u dhac ku imaan doono si loo sameeyo wadatashi ku aadan in Maamulkan kusoo biiraan Ahlu Sunna sidoo kale Madaxweyne loo doorto nin raali ka yihiin Bulshada Galmudug.

Baarlamaanka Galmudug ayaa u muuqda kuwa deg degsiimo ku jiro oo doonaya in Madaxweynaha deg deg loo doorto, dadka qaarkood ayaa u fasirtay in Baarlamaanka Galmudug aysan ka aheyn Jaceyl Madaxweyne ay doortaan balse il kale wax ku eegayaan.

Doorashadii hore uu kusoo baxay Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa aheed mid xiiso badan laheed oo si weyna looga sugayay guud ahaan Soomaaliya, waxaana Doorashadaasi ku baxday qarash badan iyo waqti dheer.

Baarlamaanka Galmudug ayaa doorashadii hore ka helay lacag badan, waxaana halkii cod uu gaaray lacag ku dhaw 20-Kun oo Dollar, lamasa oga doorashadan in xiisahaasi yeelan doonto ayna Baralamaanka ka heli doonaan qarashaad ay noloshooda ku maareeyaan maadama aysan inta badan helin Mushaar joogta ah.

Magaalada Cadaado oo iyadu nasiib u yeelatay in xarun KMG u noqoto Galmudug ayaan xiligan laga dareemeyn saan saanta doorasho Madaxweyne oo ka dhaceysa, mana jiraan isbadalo muuqda oo hada magaaladaasi ka jirto xili waqtiga doorashada la qorsheeyay lix maalin ka harsan tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here