Xaasaska Al-shabaab Ha Iska Diiwaan Galiyaan Xarumaha Ciidamada”,

0
44

Maamulka Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa amaro kusoo rogay xaasaska u dhaxa dagaalamayaasha Xarakada Al-shabaab ee ku nool gudaha Magaaladaas.

Mahad C/raxmaan taliyaha Ciidamada Booliska maamulka koonfur Galbeed Soomaliya oo manta shir Jaraaid ku qabtay magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay xaasaska u dhaxa saraakiisha Xarakada Al-shaaab in ay iska diiwaan galiyaan Xarumaha Ciidamada, ama ay isaga baxaan magaaladas.

Sidoo kale Mahad C/raxmaan taliyaha Ciidamada Booliska maamulka koonfur Galbeed Soomaliya ayaa ugu baaqay xaasaska Al-shaabab in ay amarkaan u hogaansamaan islamarkaana aysan dhagaha ka fureysanin.

Talaabadaan ayuu ku tilmaamay Mahad C/raxmaan taliyaha Ciidamada Booliska maamulka koonfur Galbeed Soomaliya mid haweenka loogu gudbinayo Fariimo ku saabsan amniga deeganada Koonfur Galbeed Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here